Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Israel oo toogasho ku diley wiil yar oo Falastiini...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Israel oo toogasho ku diley wiil yar oo Falastiini ah

Ciidamada Israel ayaa toogasho ku diley wiil 13 sano jir ah oo Falastiini ah isku dhacyo ka dhacay xero qaxooti oo ku dhow Bethlehem sida ay sheegeen dadka ka shaqeeya gargaarka deg-degga ah.

Wiilkan yar oo magaciisa lagu sheegay Abdel Rahman Abdullah ayaa rasaas ay rideen askarta Israel waxa ay ugaga dhacday feeraha xeraha qaxootiga ee Aida.

Dilka wiilkan 13jirka ah ayaa ah wiilkii 2aad oo lagu diley muddo 24 saacadood ah iyadoo isku dhacyo u dhexeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta ay ku sii fidayaan dhulka Falastiin.Habeenimadii Axada ayaa wiil 18 jir ah oo la oran jirey Hutheifa Suleiman ayay ciidamada Yuhuudu ku dileen magaalada Tulkarm oo ah magaalo ku taal Daanta Galbeed.

Ayed Abu Otaish oo ah Wakiilka Falastiin ee hay’ada Caalamiga ah ee Daafaca Carruurta ayaa sheegay in ciidamada Israel ay hore u dileen carruur badan oo Falastiiniyiin ah kadib markii ay fasax ka heleen madaxda sarsare ee Israel.
Isku dhacyo ayaa sii fidiya kadib markii afar ruux oo Israeliyiin ah la diley halka ilmo labo sano jir ah uu dhaawacmay.

Ciidamada Ammaanka Israel ayaa sheegay in ay qabteen shan ruux oo ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin ururka Xamaas kuwaasoo loogaga tuhun qabo in ay ku lug lahaayeen dilkii loo geystey labo ruux oo Yuhuuda la soo dejiyay dhulka Falastiin ka mid ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Banjamin Netanyahu ayaa ku baaqay dagaal adag in lagu qaado wax uu ku tilmaamay Argagaxisada Falastiiniyiinta.Dhalinyarada Falastiiniyiinta ah oo dhagxaanta tuura ayaa waxaa haatan ka horimaanaya ciidamo isticmaalaya rasaas nool nool iyo kuwo cinjir ka sameysan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 ISRAEL-PALESTINIAN-ATTACK 11 12 13 14

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY