Jimco April 28 2023 {HMC} Hal sano ka hor Volodymyr iyo saaxibadiis waxay hal mar ridi jireen 40 ah gantaalada nooca BM-21 Grad. Hadda waxay awoodaan oo kaliya inay dhowr mar ku ridaan hubkaasi bartilmaameedyada Ruushka.
“Ma hayno rasaas nagu filan oo aan qoryaheena u isticmaalno ,” ayuu yiri Mr Volodymyr.
Cutubkiisa, oo ah guutada 17-aad ee Taangiyada, ayaa weli loogu baaqayaa inay taageero dhanka hubka ah u fidiyaan ciidamada Ukraine oo si quus ah uga dagaalamaya cirifyada Bakhmut, oo ah magaalo ku taalla bari Ukraine oo Ruushku muddo bilooyiin ah isku dayay inuu qabsado.
Ciidamada Ruushka ayaa mar walba ku sii dhawaanaya yoolkooda ah in ay magaalada qabsadaan, balse waxay la kulmayaan khasaare xooggan.
Inta aan ku sugeyno meelo geedo hoostood ah ayuu yiri wariyaha BBC , Volodymyr waa la soo wacay waxaana loo sheegay in uu ku rido gantaalkiisa goob ay ka soo dhacayaan hoobiyeyaalka Ruush oo 15 kiiloomitir u jirta goobtan.
Volodymyr iyo raggii la socday ayaa ka saaray qorigii waynaa ee ay wateen goobtii uu yaalay waxayna dhigeen meel bannaanka h oo hal kiilomitir u jirta waxayna bilaabeen in ay duqeeyaan bartilmaameedkooda.
Waxa loo sheegay in gantaalkoodii ugu horeeyay uu seegay ilaa 50 mitir, markaas ayay kor u qaadeen oo ay laba kale ku rideen islamarkana ay si degdeg ah ugu soo noqdeen geedahii si ay gabaad uga dhigtaan. Markan waxa loo sheegay in hubkii ay rideen uu gaaray bartilmaameedkii loogu talagalay.
Hasa yeeshee Volodymyr , waa uu niyad jabsan yahay taasi oo ah inaysan wax badan qaban karin. “Waxaan siin karnaa taageero yar wiilashayada halkaas ku dhimanaya.”
Waxa uu sheegay in Ukraine ay mar hore isticmaashay kaydkeeda rasaasta nooca Grad, sidaas darteed ay ku tiirsan tahay gantaalada laga keeno dalal kale.
Volodymyr ayaa sheegay in saanadooda militari ay ka imaato jamhuuriyadda Czech, Romania iyo Pakistan.
Waxa uu ka cabasho ka muujiyay gantaallada ka imanaya Pakistan oo uu shegay in aanay ahayn kuwo tayadoodu wanaagsan tahay.
Ukrain ayaa ku baaqaysa in hub iyo saanad dheeri ah lala soo gaaro, waxaana sii xoogeysanaya marba marka ka danbeysa dagaalka ka socda dalkasi.
Ukraine ayaa hadda isu diyaarinaysa dagaalo iyo weeraro culus .
Dowladda Ukraine ayaa ku qasban inay ku bixiso dagaalkan dhaqaale aad u badan si ay u ilaaliso guulaha ay gaartay.
In kasta oo uu dhawaan yimid hub casri ah – sida taangiyada iyo baabuurta gaashaaman – Ukraine waxay weli si weyn ugu tiirsan tahay hubkeedii hore, ee xilligii Soofiyeedka.
Nidaamka difaaca hawada ee Buk ee uu Ruushku sameeyo, kaas oo beegsan kara diyaaradaha, kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha, ayaa weli ah mid ka mid ah hubka ay isticmaalaan.
Balse Hubka casriga ah ee ay heleen Ukraine waxa uu ka caawiyay in aanu Ruushku ku gacan sareyn dagaalka dhanka cirka ah.
Ciidamada Ukraine ayaa waxay si wayn uga taxadaraan in Ruushka uu ogaado goobta ay yaallan gantaalada muhiimka ah.
Ruushka weli ma garanayo xilliga iyo goobta la filayo in Ukraine ay weerar ku qaado. Waxay arrintan fure u noqon doontaa in Ukraine ay dib u qabsadaan dhul uu horey Ruushka uga qabsaday.
Laakiin Ukraine sidoo kale waa inay hubaysaa oo qalabaysaa guutooyiin cusub si ay weeraro u fuliyaan.
“Waxaan ka walaacsanahay in saaxibadeena reer galbeedka ay ka daaleen caawinteen”ayuu yiri Volodymyr oo ah Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Ukriane.
Xigasho BBC