Waxaa wali qalalaase iyo iska hor imaadyo ay kasocdaan Dhulka ay xooga ku heesato Yahuuda, waxaana shalay siyaabo kala duwan rabsho dhax maray Ciidamada Yahuuda iyo shacabka Gobonimo doonka ah lagu dilay ilaa lix qof oo Falastiiniyiin ah.
Ciidamada Yahuuda ayaa ku toogtay goob basaska laga raaco Hooyo Falastiini ah ay uga shakiyeen in ay middi ku hubeesneed, waxa ayna Ciidamadan toogteen Hooyadan xili ay gacmaha kor u taagtay muujisayna in aysan middi wadan.
Hooyadan ay dileen askar katirsan Yahuuda ayaa lagu magacaabaa Basaraa Zidan Taufik Abad, waxa ay aheed Hooyo heesata sadax caruur ah, waxa ayna Shahaadada Master of Chemical Ingineering ka diyaarineysay Jaamacadda Prestigious Technion.
Dhinaca kale Ciidamada Yahuuda ayaa dhoor qof kale waxa ay shalay ku dileen Xuduuda Gaza, waxaana halkaasi ka dhacay rabshado u dhaxeeyay Ciidamada Yahuuda iyo Falastiiniyiin careesan. Ciidamada Yahuuda ayaana rasaas ay fureen waxaa ku dhintay in ka badan shan qof.
Maalmihii lasoo dhaafay dhulka ay xooga ku heesato Yahuuda Israa’il waxaa ka socday rabshado u dhaxeeya Ciidamada Yahuuda iyo Shacabka Reer Falastiin, waxaana rabashahaasi ku dhintay Falastiiniiin iyo dad kale oo Yahuud ah.