fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
Home{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo ka tirsanaa Ilaalada Xafiisyada Qaramada Midoobay oo Muqdisho laga...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo ka tirsanaa Ilaalada Xafiisyada Qaramada Midoobay oo Muqdisho laga sagootiyay

Munaasabad ballaaran oo ay ka qeybgaleen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo safiirka dalka Uganda u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Nathan. Mugisha ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa lagu sogootinaayay Ciidamo ka tirsanaa Ilaalada Xafiisyada iyo shaqaalaha Qaramada midoobay ka jooga dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabada qudbado kala duwan ka jeediyay Nicholas Kay iyo safiirka dalka Uganda u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Nathan oo bogaadiyay Ilaalada waxa ayna sheegen in lagu soo bedeli doono ciidamo kale, kadib markii ay dhameysteen mudadii loogu talo galay.

18-kii bisha May ee sanadkii tagay 2014 ayaa la howlgeliyay ciidamadan gaarka ah ee loogu talogalay ilaalinta xafiisyada iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Ciidamadaani ayaa waxaa bedelkooda la keeni doono kuwo kale waxa ayna gudaha asbuucaani kasoo degi doonaan garoonka aadan cade.







 

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO