Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo katirsan booliiska oo la barayo sida afka Soomaaliga loo...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo katirsan booliiska oo la barayo sida afka Soomaaliga loo qoro loona aqriyo

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwooda aan aqoon sida loo qoro ama loo aqriyo farta Soomaaliga ayaa loo furay goobo lagu baro farta Soomaaliga, waxaana goobahaasi soo kormeeray Saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Booliiska Soomaaliya ayaan lagu soo xulin aqoon iyo nidaamkii loo baahnaa, waana mida keentay in hada Taliska booliiska Soomaaliya uu ku amro in ciidamada in ay bartaan sida loo aqriyo loona qoro farta Soomaaliga.

Ciidamada booliiska ee sugaya amaanka wadooyinka qaarkood ayey ku adkaatay in ay aqriyaan kaararka aqoonsiga ay weediiyaan masuuliyiinta iyo dadka kale ee shacabka , waxaa sidoo kale ciidamada qaar ku adkaatay in ay qoraan taargada gaadiidka la tuhmo.

Waxaa hada loo furay Ciidamada booliiska Soomaaliya goobo lagu baro afka Soomaaliga iyo xisaabta, waxaana amarkan ah in wax ay bartaan ciidamada aan aqoonta laheyn ee ku jira booliiska bixiyay Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska .





 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY