Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Cutubyo ka tirsan Ciidamada Galmudug oo lasoo bandhigay

{DAAWO SAWIRADA} Cutubyo ka tirsan Ciidamada Galmudug oo lasoo bandhigay

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa Kormeeray Xarumaha Ciidamada maamulka Galmudug ee ku yaalla Magaalada Cadaado.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinaayay Xildhibaano, Saraakiil, Taliyaal ciidan iyo gudoomiyaha degmada Cadaado, waxa ayna warbixin ka dhageysteen Saraakiisha Ciidamada oo iyagu kawarbixinaayay nolosha iyo tayada Ciidamada Maamulka.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Xubnihii wehlinaayay ayaa booqday goobo kale oo ay kamid ahaayen Garoonka diyaaradaha ee Cadaado, Xarunta Kafaalo iyo xarumo kale, halkaas oo ay daganyihiin qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga, sida nabad sugidda, Boliiska iyo Milatariga.

Waxa uu soo indha indheeyay Hubka ay adeegsadaan Ciidamada iyo tiro ahaan halka ay gaarsiisan yihiin, waxa uuna inta uu ku guda jiray socdaalkiisa bogaadiyay dulqaadka Ciidamada iyo Saraakiisha ay ka amarqaatan.

 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY