Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay ka dhacay magaalada xeebta ku taal Sousse ee dalka Tunisia, halkaasoo lagu dilay illaa 38 ruux oo u badnaa dalxiisayaal Ajaaniib ah.
Muuqaal ay soo bandhigtay Daacish ayaa lagu sheegay in ruuxa weerarkaas fuliyay oo 23 jir ahaa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Abu Yahya Qayrawani, balse magaciisa dhabta lagu sheegay Sayf al-Din al-Rizgi.
Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 36 ruux oo qaarkood ay dhaawacyadooda la sheegay inay culus yihiin.
Dalxiisayaasha ugu badan ee lagu dilay weerarkaas ayaa lagu sheegay inay ka soo jeedaan British, balse ay jiraan tiro kale oo iyana ka soo kala jeeda dalalka Belgium, Jarmalka, Ireland iyo kuwa kale,
Ajaaniib badan oo fasax nasasho u joogay Tunsia ayaa ka soo jeeda dalalka reer galbeedka, waxayna shalay oo jimco aheyd ku tamashleynayeen xeebta, waxaana iyagoo cimilo wanaagsan ku jiray ku bilaabatay rasaas.
Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Habib Essid ayaa sheegay in tirada ugu badan ee dalxiisayaasha lagu dilay weerarka ka dhacay xeebta magaalada Sousse ay u badan yihiin British, waxaana uu xusay in dowladdiisa ay qaadi doonto jawaabo adag.
Daacish ayaa sheegtay inay kordhineyso weerarada ay ka geysaneyso Caalamka inta lagu guda jiro bishan Ramadaan, iyadoo shalay weerar kale ka geysatay dalka Kuwait masaajid ku yaala, halkaasoo lagu dilay dad ka badan labaatan ruux.