Kulan ay Maanta Muqdisho ku Yeesheen Dalladaha Waxbarashada Dalka oo ka koobnaa 12 dalladood ayay uga hadleen soo gaba-gabeynta Sanad-dugsiyeedka 2014/2015 iyo xaaladda Waxbarasho ee Dalka iyo Aragtidooda ku aaddan in Imtixaan midaysan laga qaado iskuulada waxbarashada Soomaaliya, waxayna sheegeen inaysan xilligan suuro-gal ahayn in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada dalka, duruufo jira awgood.
Sido kale Waxaa kulanka ka hadlay Maxamed Cali oo ka socday Dalladda SAFE ayaa sheegay in muddo 25-sano ah ay gacanta ku hayeen Waxbarashada Dalka, isagoo xusay inaysan maanta ogolaan doonin in loo gacan-dhaafo howlaha Waxbarashada ay mudadaas soo wadeen.
Diini Axmed Diini oo ku hadlayey magaca SOSCENSA ayaa isna ka sheegay kulanka in mar la fiiriyo Caalamka aysan wax shaqo ah ku lahayn dowladuhu Waxbarashada gaar loo leeyahay, balse waxay u jeedin karaan talooyin ku aaddan hannaanka goobaha laga dhisayo dusgiysada waxbarashada iyo wixii kale ee ay dowladda uga baahan yihiin.
Daladaha Waxbarashada ee Kulanka ka qeyb galay ayaa ahaa’
Dalladaha kulanka ka qaybgalay waxay kala ahaayeen:
- SAFE Schools Association for Formal Education
02. FENPS Formal Education Network for Private Schools
03. SOFEL Somali Formal Education Link
04. SOFE Schools Organization for formal Education
05. FPNES Formal Private Education Network in Somalia
06. SOFEN Somali Formal Education Network
07. SOFPEN Somali Formal Private Education Network
08. ABUHA Academic Private Education Umbrella in Horn Africa
09. SEDA Somali Education Development
10. MEU Al ma’ m un Education Umbrella
11. SNEFA Somali Network Education For All
12. SONI Somali Network Institute
War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in Dalladaha iyo guud ahaan bahda Waxbarashada dalka iyagoo xog-ogaal u ah xaalada uu dalku marayo waxay cadeynayaan inaysan suuro-gal ahayn in la qaado imtixaan mideysan sababaha soo socda aawadood;
- Xaaladda nabadgeliyo ee dalka ka jirta aawgeed.
2. Iyadoo aysan jirin diyaargarow ku filan oo imtixaan mideysan lagu qaadi karo.
3. Iyadoo uusan weli jirin xeerkii waxbarashada gaarka loo leeyahay.
4. Iyadoo uusan jirin Manhaj mideysan oo dhameystiran.
5. Imtixaanka oo hal mar aan wada-gaari karin meelaha ay Iskuuladu ku yaalaan.
6. Iyadoo uusan jirin imtixaan mideysan oo ay Wasaaradda iyo Dalladaha ku heshiiyeen.