Deeqdan ay so dhiibatay dowlada cumaan aayaa iskugu jirtay bur bariis salid iyo timir waxana lagaarsiyay bukanada kujira isbitaalka baladweyne iyo caruurta aqoonta ah ee kujira xarunta aqoonta Ugaas khaliif ee magalada baladweyne
Qaar kamid ah dadkii lagarsiyay deeqdan oo lahadlay Radio Hiiraanweyn ayaa ka mahad celiyay waxana ay shegeen in ay siweyn ugu baahneyeen kalmadan
Masuliyiinta Maamulka Gobolka iyo midka dagmada baladweyne ayaa ka mahadceliyay deeqda ay manta dowlada cumaan ugu deeqday bukanada kujira isbitaalka baladweyne iyo caruurta aqoonta ee wax kabarta xarunta agoonta ee Ugaash Khaliif
Waa deeq dii ugu horeysay ee lagaarsiyo bukanada kujira isbitaalka baladweyne iyo caruurta agoonta taniyo markii ay curatay bisha barakeysan ee ramadaan
Cabdi Axmed Xuseen
Radio Hiranweyn baladweyne