Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Dibadbaxyo Madaxweynaha Jubbaland lagu Taageerayay oo Kismaayo ka dhacay
Array

{DAAWO SAWIRADA} Dibadbaxyo Madaxweynaha Jubbaland lagu Taageerayay oo Kismaayo ka dhacay

Dibadbaxyadan oo lagu taageerayay madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Dadkan oo isugu jiray, ururrada haweenka, dhalinyarada, ardeyda wax ka barata iskuulaadka magaalada iyo weliba qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo ayaa socod maray qaar kamid ah wadooyina waaweyn ee magaalada, iyagoo ruxayay calamada Soomaaliya iyo kan Jubbaland, islamarkaana sita boorar ay ku xardhanaayeen sawirrada madaxweeynaha Jubbaland iyo halku dhigyo ay ku taageerayaan.

Dadkan ayaa ugu danbeyntii isugu tagay garoonka lagu cayaaro kubadda cagta ee Kismaayo, halkaasoo ay uga hadleen shucuurtooda ku aadan doorashadii madaxtinimo ee lagu doortay madaxweeyne Axmed Madoobe.

Dadkan ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhaweeynayaan madaxweeynaha la doortay, iyagoo kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo cadaaladda, horumarka iyo amniga.

Sidoo kale waxaa dibadbaxani ka qeybqaatay madax ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaasoo iyaguna ugu hambalyeeyay shacabka sida ay isugu soo baxeen islamarkaana u muujiyeen dareenkooda.

banaanbax kismaayo ka k dhacay  (1) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (2) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (3) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (4) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (5) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (6) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (7) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (8) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (9) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (10) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (11) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (12) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (13) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (14) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (15) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (16) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (17) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (18) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (19) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (20) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (21) banaanbax kismaayo ka k dhacay  (22)

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY