Sunday, January 29, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Diyaarad ku soo dhacday suuq ku yaala Magaalada Ariha, xilli...

{DAAWO SAWIRADA} Diyaarad ku soo dhacday suuq ku yaala Magaalada Ariha, xilli dad badan ay buuxiyeen

Diyaaradan oo ay lee dahay Dowladda Suuriya, ayaa duqeymo ka fulisay qaybo ka mid ah Magaalada Ariha, ka hor intii aynaan ku soo dhicin suuqaasi oo mashquul badan uu ka jiray.

Goobjoogayaal, ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in suuqa ay ku sugnaayen ganacsato iyo macaamiil agabyo kala gedisani ka iibsaneysay, xilligii ay diyaaraddu ku soo dhaceysay.

Diyaaradda waxa uu burbur weyn ka soo gaaray dhisme ku yaala suuqaasi, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan dad fara badan oo ku hoos jira burburka dhismaha.

Warbaahinta Ariha, ayaa tebisay in dadka qaarkood laga soo saaray burburka, qaarkoodna dhaawac ahaan looga soo saaray, lana dhigay goobaha caafimaadka. Warbaahinta Ariha waxay kaloo shaacisay in tiro badan oo dad ihi ay weli ku hoos jiraan burburka.

Dowladda Suuriya iyo Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda, ayaa ku hardamaaya Magaalooyinka ku yaala Waqooyiga dalkaasi, sida Idlib iyo Ariha, oo Dowladda laga saaray bishii May.



MUQAALADA

ENGILSH NEWS