Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Dowlada Soomaaliya Khaled Omar Ali oo booqasha ku joogay dalka Talyaaniga ayaa kulan la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Dwolada Talyaaniga Lapo Pistelli waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Dowladood.
Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay Magaalada Rome ee Caasimada Talyaaniga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Dowlada Soomaaliya ee Talyaaniga Amaasator Muuse Hassan Abdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda .
Mudane Khaled Omar Ali Wasiiruhu Dowladaha Arimaha Dibada ayaa sidoo kale booqday dhammaan dhismayaasha Safaarada ee ku yaala Dalka Talyaaniga oo u baahan dayactir iyo dib u dhis .
Waxana uu kula dardaarmay Mr Khaled Omar Ali diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan , ayna muujiyaan isku-duubni , una gutaan waajibaadka saaran si qaranimo.