Golaha deegaanka magaalada Garowe ayaa doortay maanta duqa magaalada kaddib doorasho ay codkoodu dhiibteen 27 xubnood ee uu goluhu ka kooban yahay.
Doorashada oo ilaa lix musharax ay ku tartamayeen ayaa waxaa wareeggii saddexaad ku soo baxay oo loo doortay duqa cusub ee Garowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) oo helay 15 cod, halka Cawil Sheekh Xaamud oo wareegaas kula tartamayey uu helay 12 cod.
Axmed Siciid Geelle (Shoole) oo ah sii haya xilka duqa Garowe oo isna doorashada ka qeybgalay ayaa wareeggii labaad ku helay 7 cod, halka gabadha kaliya ee ka qeybgaleysa tartanka Suhuur Xaashi Maxamed ay ku hartay wareeggii koowaad, iyadoo heshay laba cod.
Duqa cusub ee la doortay ayaa hoggaamin doono golaha deegaanka, wuxuuna ka shaqeyn doonaa arrimaha gudaha ee magaalada.
SAWIR QAADE Cali Cabdi Ducale