Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDaawo Sawirada'' Golaha Wasiirada oo maanta meel mariyay mid kamid ah Qorshooyinka...
Array

Daawo Sawirada” Golaha Wasiirada oo maanta meel mariyay mid kamid ah Qorshooyinka Dawada iyo Qorsho kale oo muhiim ahaa

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir-guddoominayay R/wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, waxaana looga dooday, qaab siyaasadeedka caafimaadka iyo dawada iyo soo jeedinta wadahadalladii xalinta qodobbadii ku xusnaa mooshinkii madaxweynaha laga keenay.

Xaawo Xasan Maxamed oo ah Wasiiradda caafimaadka Somalia, oo si faahfaahsan uga hadashay arrimaha wasaaradeeda dhanka Caafimaadka ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha qaab siyaasadeedka caafimaadka iyo dawada.

Xaawo Xasan Maxamed waxay xustay in ujeeddada qorshahani yahay in la illaaliyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada Soomaaliyeed.

Xaawo Xasan Maxamed, ayaa sidoo kale, sheegtay in Siyaasada Dawadu ay tahay in la sameeyo, lana horumariyo adeegga qeybta Daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awooda dhaqaale iyo mida shaqaale ee la heysto, si loo haqabtiro baahida dadweynaha ee ka hortagga, baarista iyo daweynta Cudurada.

Faah-faahino dheer kadib golaha Wasiirada ayaa cod gacantaag ah ku meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada.

Xukuumadu qodobka Caafimaadka waxa ay ku xijisay qodob kale oo ah Qodobadii kasoo baxay wadahadaladii xallinta Mooshinka ee ka dhanka ahaa madaxweynaha, iyaga oo soo dhoweeyey.

Xubnaha Xukuumada ayaa la faray inay si dhaqso leh ugu howlgalaan, fuliyaana waajibka Wasaarad kasta uga aadan fulinta Qodobadii ka soo baxay Wadahadalka Xalinta Mooshinka.


 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY