fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
Home{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe ayaa goobjoog ka ahaa...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe ayaa goobjoog ka ahaa maanta goob fagaare ah oo lagu gubayay maandooriyaha xashiishada.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa goobjoog ka ahaa maanta goob fagaare ah oo lagu gubayay maandooriyaha xashiishada.
Fagaare ku yaal saldhigga booliska magaalada Jowhar ayaa lagu gubay xashiishad laga soo guray beer ku taal deegaanka Bacaadle oo dhinaca Koofureed kaga beegan magaalada Jowhar illaa iyo 15km.
Sidoo kale fagaaraha lagu gubayay xashiishada ayaa waxaa ku sugnaa taliyaha qeybta booliska gobolka Sh/dhexe Cornel Khaliif Cabdulle Cabdi iyo kusimaha taliyaha saldhigga booliska degmada Jowhar Labo xiddigle Geelle Isaaq Warsame iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Kusimaha taliyaha saldhigga ciidamda booliska Labo xiddigle Maxamed ISaaq Warsame(Geelle) ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada booliska iyo kuwa milatariga.
Cornel Khaliif Cabdulle oo ka hadlay fagaaraha lagu soo bandhigay xashiishada ayaa sheegay in milkiilaha beerta oo lagu magacaabo Xamaan Macalin Axmadey oo ka baxsaday ciidamada in lagu soo eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin 412/27/34 iyo xeerka Nabadgelyada.
Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Sh/dhexe Shiikh Axmed Ibraahin Siid ayaa ku dhowaaqay xukunka, waxana uu sheegay in Xamaan Macalin Axmadey lagu xukumay 4 sano oo xarig ah iyo beertisa oo lala wareego.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa sheegay in maamulka gobolka Sh/dhexe uu bilaabay olole lagu ciribtirayo maandooriyaha xashiishada.
“Waxaan u mahadcelinaynaa ciidamadii ku guuleystay maalintii ugu horeysayba in ay gacanta ku soo dhigaan beer ay xashiishad ku abuurneyd,”ayuu yiri Cali Guudlaawe Xuseen.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono qofkii lagu arko isagoo beeraya ama isticmaalaya maandooriyaha xashiishada waxana uu u digey dadka beera xashiishada.
Ma aha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Sh/dhexe uu gubo maandooriyaha xashiishda oo lagu beeray gobolka waxana xabsiyo kala gedisan lagu xukumay dadkii lagu soo qabtay xashiishada
xashishad gubid (9) xashishad gubid (8) xashishad gubid (6) xashishad gubid (3) xashishad gubid (1)
MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...