{DAAWO SAWIRADA} 1 Qof Ayaa ku dhintay 20 kalane We Ku dhaawacmeen Howlgal tijaabo ah Oo ka dhacay jaamacada Strathmore

0

Qof ka mid ahaa howl-wadeenada Jaamacadda Strathmore ayaa ku geeriyooday in ka badan labaatan Ardayna wey ku dhaawacmeen howl-gal mala’awaal ahaa oo shalay galinkii dambe ka dhacay Jaamacada Strathmore ee ku taalo Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Howlgalka oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa lagu sheegay inuu ahaa tijaabo lagu ogaanaayay sidii ay ardaydu oga jawaab celin lahaayeen haddii Jaamacaddaas uu ka dhaco weerar argagixiso, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay fuliyeen howl-galkaas xilli qofna aanan loo sii sheegin.

Japheth Koome oo ah Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa howl-galkaas ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta ardayda tirada badan ee Jaamacadaas wax ka barato.

Dhank kale qofka geeriyooday oo ahaa gabar dhanka nadaafada ka shaqeyneysay, ayaa wakhtigii ay geeriyooneysay waxaa ka jiray dhismaha jaamacadaas is-buurasho xoogan madaama ardaydu ay ku saseen dhawaqa rasaasta ay Ciidamada ammaanku kor u rideen.

{DAAWO SAWIRADA} Hal Qof Ayaa ku dhintay 20 kalane We Ku dhaawacmeen Howlgal tijaabo ah Oo ka dhacay jaamacada Strathmore  (1) {DAAWO SAWIRADA} Hal Qof Ayaa ku dhintay 20 kalane We Ku dhaawacmeen Howlgal tijaabo ah Oo ka dhacay jaamacada Strathmore  (2) {DAAWO SAWIRADA} Hal Qof Ayaa ku dhintay 20 kalane We Ku dhaawacmeen Howlgal tijaabo ah Oo ka dhacay jaamacada Strathmore  (3) {DAAWO SAWIRADA} Hal Qof Ayaa ku dhintay 20 kalane We Ku dhaawacmeen Howlgal tijaabo ah Oo ka dhacay jaamacada Strathmore  (4)
Cabdu Qaadir Cumar Cabdulle
Radio Hiranweyn

 

Magaalada Nairobi Dalka Kenya

SHARE