fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Howlgalo Lagu xaqiijinaayo Amaanka oo caawa ka socda qeybo kamid...

{DAAWO SAWIRADA} Howlgalo Lagu xaqiijinaayo Amaanka oo caawa ka socda qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Jimco 17 March 2023 {HMC} Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir oo gudanaya waajibkooda shaqo ayaa caawa magaalada Muqdisho xaafado ka tirsan ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgalka ayaa ciidanku ku baarayaan gaadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo mootooyinka bajaajta, waxa ayna ciidamada soo dejinayaan baarisna ku sameenayaa dhallinyarada.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale wada howlgalo lagu hubinayo xaafada iyo guryo bartilmaameed ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida xaafado katirsan caasinadda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada ka dhacayay dilal qorsheesan iyo qaraxyo.

 

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO