Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Hungary oo Ciidamo milatari ah dhigtay Xadka ay la wadaagto...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Hungary oo Ciidamo milatari ah dhigtay Xadka ay la wadaagto Croatia si ay uga hortagaan…

Dowlada Hungary iyo Croatia ayaa waxaa soo dhax galay xiisad ka dhalatay Muhaajiriinta kusii qul qulaysa qaarada Yurub, waxa ayna Dowlada Croatia ay ogolaatay in dadka muhaajiriinta ah ay dalkeeda sii maraan si ay uga sii gudbaan Dalalka kale ee Midowga Yurub.

Dowlada Croatia ayaa kumanaan qaxooti ah ay ku qaaday basas iyo tareeno waxa ayna dhoobtay xadka ay la wadaagto Dalka Hungary si ay halkaasi uga sii gudbaan dadka qaxootiga ay ayna gaaraan Dalalka Yurub ay doonayaan in ay nolol ka helaan.

Kumanaan qaxooti ah oo marin kasii dhigtay dalka Croatia ayaa gaaray Dalka Hungary halkaas ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub, waxa ayna Dowlada Hungary ku eedeesay dowlada jaarka ay yihiin ee Croatia in iyadu masuul ka tahay xiisada ka dhalatay muhajairiinta.

Dowlada Hungary ayaa horey silig iyo darbi ugu xirtay xadka ay la wdaagato dalka Serbia halkaas ay ka gudbeen kumanaan muhaajiriin ah, waxa ayna Dowlada Hugary hada ciidamo badan oo milatri ah dhoobtay xadka ay la wadaagto dalka Croatia si ay ciidamada uga hortagaan in dadka muhaajiriinta ah ay xadkaasi kasoo galaan dalkooda.

Croatia ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in Dalka Hungary uu xadka ka xirto qaxootiga kusii jeeda Wadamada kale ee Yurub katirsan, waxa ayna ka codsaday Dowlada Hungary in qaxootga ay xadka u furto ayna fasaxdo si ay nolol uga helaan wadamada kale ee Yurub.







MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY