Sunday, May 28, 2023
spot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Ilhaan Cumar ayaa war cusub ka soo saartay arrinta ku...

{DAAWO SAWIRADA} Ilhaan Cumar ayaa war cusub ka soo saartay arrinta ku saabsan TikTok

Jimco 31 March 2023 {HMC} Xildhibaannadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee ku matasha aqalka Wakiillada Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay kasoo hor jeeddo in Maraykanka laga mamnuuco aaladda TikTok.

Qaar ka mid ah aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa soo jeediyey in madasha bulshda ee TikTok laga mamnuuco guud ahaanba in lagu isticmaalo gudaha dalka Maraykanka, waxaanay shirkkadda aaladdan iska leh ku eedaysan tahay, eedeymo ay ka mid yihiiin in ay aruuriso xogta dad weynaha adeegsada isla markaana ay la wadaagto dalwdda Shiinaha.

”Waan kasoo hor jeedaa dadaalka ay qaar ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriyiinta iyo dimuqraadigu ku doonayaan in lagu mamnuuco madal idil oo bulsheed – TikTok” ayey ilhaan ku tiri bayaan ay soo saartay.

Waxa ay u cuskatay dhowr sababood iyada oo tan ugu horeysa ku sheegtay, ”ugu horeyntii ma jecli cabudhinta”.

”Waxaa jira walaac dhab ah oo ku aaddan asturnaanta iyo aruurinta xogta dadweynaha adeegsada baraha bulshada, balse soo jeedintani kama hadleyso arrimahaas.” Ayey tiri Ilhaan oo ku eedeysay in soo jeedintani ay bartilmaameed gaar ah ka dhigatay TikTok oo kali ah, iyada oo hadalkeeda kusii dartay, ”taas baddalkeeda waxay [soo jeedintu] si gooni ah u soocday hal aalad – TikTok ka dibna mamnuucday,” waxaanay ku tilmaantay in tani ay tahay siyaasad xun.

Cadaadiska ay kala kulantay waddamada qaar awgii Tiktook ayaa ku celcelisay in xogta adeegsadaha aan lala wadaagin dawladda Shiinaha.

(Getty/The Independent) Ilhaan Cumar waxa ay barta Tiktok ku leedahay bog ay ku xiran yihiin in ka badan 240 kun oo qof

Waxa ay qirtay in TikTok loo adeegsan karo warxumo fidin, nacayb iyo wararka been abuurka ah balse waxay sheegaty in tani aanay gaar ku ahayn TikTok oo kali ah, ” Waxa kale oo jira walaac laga qabo in TikTok loo isticmaali karo dacaayadda iyo hadalada nacaybka. Aniga qudheeday ayaa bartilmaameed joogto ah u ah ololayaasha macluumaadka been abuurka ah, waan dareemi karaa walaacyadan. Laakiin mar labaad, dhibaatadani ma aha mid u gaar ah TikTok. Twitter, Instagram, iyo Facebook-ka caanka ah dhammaan waxa ay cadawga ajaanibka ahi u isticmaaleen ololayaal been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanayo muwaadiniinta Maraykanka.” Ayey tiri Ilhaan.

Ugu dambeyntii Ilhaan waxay sheegtay in ay jiraan dhibaatooyinka dawladda shiinuhu ku hayso dadka muslimiinta ah ee dalkaas oo ay ku timaamtay in xuquuqdooda aas’aaska ah lagu cabudhiyey, ”Waxaa jira walaacyo sharci ah oo ku saabsan dawladda Shiinaha – oo ay ku jiraan cabudhinta naxariis darada ah ee ay ku hayaan dadka Uyghur iyo cabudhinta xuquuqaha aasaasiga ah ee xorriyadda hadalka ee dalkooda. Balse mamnuucidda hal shirakd oo shiinaha laga leeyahay ma xalinayso dhibaatada.” Ayey tiri Ilhaan.

Madaxa Tiktok, Shou Zi Chewayaa loo yeeray si Congress-ku suaalo u weydiiyaan.

 

Ilhaan Cumar waxa ay barta Tiktok ku leedahay bog ay ku xiran yihiin in ka badan 240 kun oo qof waxaanay soo dhigtaa muuqaallo kooban oo ku saabsan shaqadeeda ama nolosheeda.

Ilhan oo kali ah kama soo hor jeeddo mamnuuciddan Tiktok, Senetarka Jamhuuriga ah Rand Paul, ayaa shalay hor istaagay isku day lagu doonayay in si deg deg ah looga mamnuuco TikTok, isagoo sabab uga dhigay walaaca laga qabo xoriyatul qawlka iyo sinnaan la’aanta ku aaddan sida loola dhaqmayo shirkadaha baraha bulshada.

Tan ayaa imaanaysa iyada oo todobaadkii tagay aqalka Congress-ka looga yeeray madaxa TikTok, Shou Zi Chew halkaas oo su’aalo badan ay ku waydiiyiin xubnaha sharci dejinta dalka Maraykanka. Dadka reer maraykan ee adeegsada aaladdan ayaa siyaabo kal duwan uga fal celiyey iyaga oo qaarkood ku tilmaamay in xildhibaanadu ay gooni baarayaan TikTok.

Qaar badan oo ka mid ah wadamad reer galbeed ayaa mamnuucid kala duwan kuso rogay Tiktok iyada dhowaan ay dawaladda Uk ka mamnuucay in aaladdan lagu isticmaalo qalabka dawladda iyo kuwa shaqaalaha dalwadda.

Xigasho BBC

 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY