Kooxda Juventus ee reer Talyaani ayaa 12-sano kadib u soo baxday Finalka Koobka Horyaalada Qaarada Yurub ee Uefa Champions League, kadib markii Real Madrid ay garoonkeeda 1-1 kula gashay, iyadoo Juventus is aragii hore garoonkeeda 2-1 ku soo badisay.
Real Madrid oo rajadeeda u soo bixida Finalka Champions League waxay ku xirneyd gool iyo waxba ama goolal ka badan, si farqiga goolasha ugu soo baxdo, maadaama garoonka Juventus ay ku soo dhalisay hal gool,
Ciyaartoyda Real Madrid ayaa ku soo galay Santiago Bernabue sida iyagoo ka go’neyd guul aan ku gaaraan, si ay ugu soo baxaan Champions League.
Dar darta ay ku bilowday waxay ku heleen bilowga hore ee ciyaarta rigoore daqiiqadii 23aad ayaa Ronaldo rigooradaas uu gool u bedelay, sidaasna uu hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa.
Ronaldo ayaa goolkan u ahaa kiisii 10aad, waxaana ay isku goolal yihiin Messi, isagoo sidoo kale bar bareeyay rikoodha goolasha ee Tartamada yurub, iyagoo wada leh min 77-gool.
Real Madrid ayaa fursado muhiim ah iska qasaarisay, waxaana Buffon uu bad baadiyay kubado halis ahaa, sida kubad gantaal aheyd oo uu ka bad baadiyay Bale iyo kubad kale oo halis aheyd oo uu Benzema ka bad baadiyay;
Qeybta koowaad ayaa waxaa ciyaarta ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaamineysay Real Madrid, waxaana markii qeybta labaad la isku soo laabtay, waxoogaa Juve ayaa kor u soo kacday.
Juventus ayaa bilowday inay kubado abuurto, iyadoo baasas wanaagsan ciyaareysay, waxaana dhowr jeer oo weerar qaadeen ku guul dareysteen inay shabaqa soo taabtaan.
Daqiiqadii 70aad ayaa waxaa gool bar bare u dhaliyay Juventus, ciyaaryahan Alvaro Morata, waana gool rajo geliyay Juventus, maadaama bar bar dhac ay ku soo baxayaan.
Juventus ayaa goolkan si layaab leh ugu dabaal degtay, isla markaana bilowday inay ilaashato shabaqeeda, waxaana sagaashankii daqiiqo ay ku dhamaatay 1-1, sidaasna Juventus ayaa Final ku soo baxday, isku darka labadii kulan ee Sema Finalka ayaa Juventus ku soo baxday 3-2.
Goolhaye Buffon oo ah Kabtanka Kooxda Juventus oo aan waligiis ku guuleysan Koobka Champions League ayaa magaalada Berlin ku laaban doona, halkaasoo sagaal sano ka hor uu Koobkii Adduunka uu kula qaaday xulkiisa Talyaaniga sanadkii 2006-dii.
Barcelona iyo Juventus ayaa 6-da bisha June waxay ciyaarta Finalka ku ciyaari doonaan magaalada Berlin, waana ciyaar aad loo sugayo, maadaama labadan kooxood ay ka mid yihiin kooxaha ugu caansan Yurub,