Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Kenya oo sheegtay in 150 weerar oo wadankeeda lagu soo...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Kenya oo sheegtay in 150 weerar oo wadankeeda lagu soo Qaaday lagu Qaarijiyay 500 oo Ruux

Ugu yaraan 500-qof ayaa ku dhintay 150 Weerar oo kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka Kenya intii u dhexeysay sannadihii 2012-ka illaa 2015-ka, sida lagu shaaciyay warbixin uu baahiyay Wargeyska The Daily Nation.

Dadkan ayaa intooda lagu dilay weerarro ka dhacay magaalooyinka Nairobi, Gaarisa iyo Mandheera. Iyadoo magaalada Mandheera ay ahayd halkii ugu badnayd ee ay ka dhaceen Weerarradan.

Intii u dhexeysay bishii Jannaayo 2012-kii illaa December 2014-kii waxaa la dilay 312 qof, kuwaasoo 113-qof ka mid ah lagu dilay Nairobi, halka Mandheera iyadana lagu dilay 68-qof oo ka mid ah iyo 67-qof oo kale oo lagu dilay deegaanka Laamu.

Bishii Abriil 02-deedii ayaa Al-shabaab weerar ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, waxay ku dishay 148-qof oo intooda badan ahaa ardaydii Jaamacaddaas wax ka baranayay.

Maalintii Talaaladii shalay ayaa Weerar ay Al-shabaab ku Qaadday Magaalada Mandheera ayay ku dishay 14-qof oo ka mid ahaa Xoogsatada dhagaxa jabiya, iyadoo Weerarkaan uu ahaa kii ugu dambeeyay oo Al-shabaab

Dadkan ay ku dishay Al-shabaab Weerarkii magaalada Mandheera ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Mohammed Gabow Takoi 28, Mohammed Mohamud Ibrahim 50, Abdulahi Noor Maalim Aden 38, Abdi Ali Amed 45, Yusuf Abdirahim Ahmed 34, Muhamud Bare 28, Abdi Kuresh Maalim 40, Aden Abdulahi Aden, 37, and Abdi Ibrahim Yakub, 62.

Maydadkan dadkan aya lagu aasay isla shalay deegaanka Lafeey oo ka tirsan Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa isla shalay iyagana loo qaaday Nairobi.

Weerarrada ka dhaca inta badan gudaha Kenya ayaa waxaa Mas’uuliyadooda Sheegata Xarakada Al-shabaab, iyadoo sheegtay in weerarradan ay qayb ka yihiin weerarrada ay ku hayso dalkaas inta uu ciidamadiisa kala baxayo Somalia.

kENYA

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY