Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku guuleystay koobka FA Cup sanadkii labaad oo xiriir ah markii ciyaartii ka dhacday garoonka Wembley ay kaga adkaatay 4-0.
Theo Walcott oo ciyaartan ku soo bilowday ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, markii laad xooggan uu ugu shubay Aston Villa dhammaadkii qeybtii hore 40’ daqiiqo, waxaana lagu kala nastay Gunners 1-0 ku hoggaaminaysa ciyaarta, goolka uu ka dhaliyey Walcott kulankan ayaana uga dhigan inuu labadii kulan ee ugu dambeysay ku dhaliyey afar gool.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta 50′ waxaa Arsenal hoggaanka u adkeeyey oo ciyaarta ka dhigay 2-0 weeraryahankooda Alexis Sanchez, markii kubbad xoggan uu ka tuuray meel goolka u jirta 30 yaardi.
Goolka saddexaad ee Arsenal waxaa dhaliyey daafaceeda joogga dheer ee Per Mertesacker, markii 62′ daqiiqo uu dhaliyey gool madax ahaa kaddib karoos ka yimid gees laad ama koorno, kaasoo ciyaarta ka dhigay 3-0, waxaana goolka afaraad ciyaarta ku soo xiray Olivier Giroud oo bedel ku soo galay, sidaas ayeyna Arsenal ku qaaday koobka FA markii ay 4-0 kaga adkaatay Aston Villa.
Kooxda Arsenal ayaa difaacatay koobkan maxaa yeelay sanadkii hore iyada ayaa ku guuleysatay FA Cup oo waxa ay 3-2 ugu adkaatay kooxda Hull City.
Kani waxa uu ahaa final-kii 19-aad ee FA Cup oo ay Arsenal ciyaarto waana kooxda ugu soo qeyb galitaanka badan, waxaana ay ku guuleysatay koobkan markeedii 12-aad, iyadoo sidaas ku noqotay kooxda ugu badan ee ku guuleysata koobkan, waxaana ay dhaaftay Man United oo ay wada haysteen koobkan min 11.
Dhanka kale Arsene Wenger ayaa Arsenal u qaaday koobkiisii lixaad ee FA Cup 7 jeer oo uu ciyaaray Final-ka koobkan, waxaana uu sidaas ku dhaafay tababarihii hore ee Man United Alex Ferguson oo ay koobkan wada haysteen min shan.
SAWIRRO: