Kooxda Real Madrid ayaa usoo baxday Nus-dhamaadka CL kadib markii ay kasoo fakatay kulan aad u adkaa oo ay la lahayd kooxda ay ku coltamaan caasimadda Spain ee Atletico Madrid.
Ciyaartan oo aad u adkayd ayaa waxaa roose ka qaatay Arda Turan oo khadka dhexe uga dheela Rojiblanco kadib markii uu jaallihii 2-aad ku qaatay khalad laga fursan karey daqiiqaddii 76-aad.
Waxaana Real oo ninka ay dheer tahay ka faa’iidaysatey ay gool ay soo dhistay dhalisat mar ay waqtiga caadiga ah 2 daqiiqo oo qur ihi ka harsanaayeen, waxaana shabaqa ku hubsaday weerarka nasiibka badan ee Javier Hernandez daqiiqaddii 88-aad, sidaa ayayna Real ugusoo baxday nus dhamaadka.