Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Kulan dib u heshiisiin ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Kulan dib u heshiisiin ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar

Kulan dib u heshiisiin ah oo lagu heshiisiinaay labo bee loo khilaaf soo kala dhex galay ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe.

Beelahan lagu heshiisiinayay ayaa ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmada Balcad waxana khilaafkoodu uu salka ku hayaa dhul beereed iyo dhul daaqsineed.

Wadahadalo muddo soo jiitamayay oo uu maamulka gobolka Sh/dhexe garwadeen ka ahaa ayaa gabagabadii lagu soo afjaray khilaafkan iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in wadanka ay dowlad ka jirto ayna ahayn in habkii hore ee beelaha colaada ugu dhexeyn jirtey dib loo soo celiyo balse loo baahan yahay in beelaha walaalaha ah si amaan ah ku wada noolaadaan.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka gobolka in qofkii cid wax ka tabanaysa ay dacwad u soo gudbiso hay’adaha sharciga si sharci ahna loogu kala baxo maadaama gobolka .”ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa u mahadceliyay nabadoonada iyo samadoonadii ka qeybgalay kulankan lagu heshiisiiyay beelahan.

Labadan beel ayaa qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah in qofkii qof dilo in sharciga la horkeeno oo loo dilo,sidoo kale dhulka beeraha ah ee khilaafka ka bilowdayna cid walba ay ku ekaato dhulka ay tacbanayaan oo aysan dhul kale ku darsan. Qodobada ayaa waxa kale oo kamid ah in xoolo dhaqatada labada beel ay dhulka si nabad ah ku daaqaan.

Kulankan dib u heshiisiinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaan Cumar Maxamed Filish iyoxildhibaan Nuur Maxamed Xasan waxayna labada xildhibaan kula dardaarmeen duqeyda dhaqanka inay tixgeliyaan heshiiska la gaaray isla markaana ay si nabad ah ku wadanoolaadaan.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay waxa uu dardar geliyay nabadaynta iyo xalinta khilaafyo yaryar oo ka dhex jiray beelaha gobolka dega.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdi fitaax nuur saney {Socdaal}

Radio Hiranweyn Magalada Jowhar

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY