Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Kulan lagu Taageeray Shirka Baladweyne oo lagu Qabtay Gobolka Minnesota
Array

{DAAWO SAWIRADA} Kulan lagu Taageeray Shirka Baladweyne oo lagu Qabtay Gobolka Minnesota

Kulanka ay Qaban-qaabadiisa Lahaayeen Golaha Hiiraan (Hiiraan Forum) ayaa lagu qabtay hoteel ka mida hoteellada ugu waa-wayn ee magaalada MPLS waxaa kasoo qaybgalay dadwayne aad u fara badan.

Intii ay Xafladdu socotay ayaa waxaa la lulayay Calanka Buluugga ah ee Somalia, iyadoo inta badan aysan maamullada gobollada ee xafladaha ku qabsada gobolka Minnesota aysan calankan sidan oo kale u lulin.

Xiriiriyaha xafladda, Mustaf Sabriye ayaa xusay in shirka lagu taageerayo shirka aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan ee ka socda magaalada Baladwayne dhowrkii bil ee lasoo dhaafay. Wuxuuna u mahadceliyay dhammaan martidii ka kala timid Gobollo kala duwan oo dalka Maraykanka kuy aalla sida; Washington, Virginia, Utah iyo kuwo kale.

Qur’aanka iyo Salaanta Calanka kaddib waxaa lagu bilaabay Suugaanta Haweenka oo ah tan hadda aad loo tixgaliyo waxay billaabtay Shamso Maxamed oo baraan-burkeedu ku salaysnaa in Hiiraan uu yahay Gobol kaligii is-baxin kara, waxay kaloo xustay barwaaqada Alle ku manaystay, iyadoo suugaanteeda ku muujisay wax walba oo Hiiraan laga helo.

Caasho Maxamed oo loo yaqaan Caasho Buraanburtooy ayaa markeeda goobta ka jeedisay buraanbur ay ku amaantay gabi ahaan degmooyinka uu Gobolka Hiiraan ka kooban yahay.

Intaa kaddib, Shuuriye Macalin Xasan oo ku hadlay magaca Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Minnesota ayaa soo dhaweeyay martidii ka timid magaalooyinka kale ee Mareykanka, isagoo sharraxay in qodobka 49-aad ee Dastuurku dhigaayo in cid walba ay aayaheeda ka tashado waxuuna cod sare ku yiri War Aayaheenna ma ka tashanaa iyagoo dadku ay HAA ugu jawaabeen.

Khudbaddii la wada sugaayay ee Prof. Axmed Muumin Warfaa ayuu uga mahad-celiyay dadweynihii goobta joogay, isagoo ku hadlayay dadkii shirkii aayo ka talinta Gobolka Hiiraan ka Qayb-galay Qurbo-joogta oo sheegay inay iyagu fikrada iyo in dhaqaalaha shirka ay bixiyeen, wuxuuna xusay in Qaramada Midoobay ay waydiisay ma runbaa in shirkan dhaqaalihiisa iyo gogashaba ay dhigeen, waxaan aniguba ugu jawaabay HAA, abaalkaasna waa mid ay dadkiina idiin hayaan.

Prof. Warfaa waxuu kaloo xusay in Reer Hiiraan ay u Qaybsan yihiin Afar qaybood, dadka 97% waxay ogol yihiin in Hiiraan gooni u istaagto, 3% waxay ogol yihiin in Hiiraan laba loo qaybiyo oo maamul-goboleed laga dhigo, isagoo intaas ku daray in 0% ay ay leeyihiin waa in Hiiraan gobol kale ay wax ku darsato.

Dhanka kale, Waxaa iyagana Goobta ka hadlay dad fara badan oo ka sheekeeyay Qiimaha, Dhaqaalaha iyo Nabadgalyada Gobolka, waxaana ka mid ahaa, C/qaadir Yuusuf Ismaaciil, Maxamed Cali Gacmey, Maxamed Faarax Cali iyo Cabdullaahi Cali Cabdi (XUURKA). Xuseen C/llaahi iyo C/Casiis Mukhtaar ayaa iyaguna ku Hadlay Magaca Jaaliyadda Reer Jabuuti ee Minnesota, Sadiiq Warfaa, C/rashiid Maxamed iyo Xaawo Hiiraan.

Ugu dambeyn, waxaa Goobta lagu soo Bandhigay Heeso ay ku luuqaynayeen qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, sida Hodan C/raxmaan Dheere oo hees cusub oo ka hadlaysa Baladwayne ku luuqeysay iyo Fanaanka AJ oo isna ku luuqaynayay heestii caaanka ahayd Xasan Adan Samatar ee Baladwayn.iyo heeso kale oo Waddani ah.

kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (1) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (2) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (3) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (4) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (5) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (6) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (7) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (8) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (9) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (10) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (11) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (12) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (13) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (14) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (15) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (16) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (17) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (18) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (19) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (20) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (21) kulan lagu tageraa shirka baladweyne ee mareykanka ka dhacay  (22)

Xigasho Hiiraan Online
MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY