Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Kulan Lagu Tageera Shirka Dib Uheshiisiinta Ee Baladweyne Kasocdo Oo...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Kulan Lagu Tageera Shirka Dib Uheshiisiinta Ee Baladweyne Kasocdo Oo Kadhacay Swedeen

kulan aad u balaaran oo aay ka soo qeybgaleen shacab aad u farabadan wax garaad siyasiyiin odoyaal haweeyn dhalin yaro iyo marti sharaf kale ujeydkisuna uu ahaa mid lagu taagerayay shirka ka socda magaalada B/weyne ayaa maanta lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Shirkan oo aay soo abaabuleen jaaliyada reer Hiiraan ee wadanka  Sweden ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee wadankaasi ku nool.

Gudoomiyaha qabanqaabada shirka mudane Ibrahim Xasan Bashiir oo uguu horeeyn hadalka qatay ayaa marka hore uga mahadceliyey sida wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed u ogolaadeen ka soo qeybgalka shirkan, gudoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada kulankan aay tahay in la taageero nabada iyo gogosha taala magaalada B/weyne.

Gudoomiyaha ku xigeenka ururka isbaheysiga Soomaaliyeed mudane Gentelman oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sharafna aay u tahay in isagoo metelaya jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden inuu taageero shirka B/weyne ka socda galay malinti 10.aad.

Cali salaad oo ah siyaasi ka mida siyaasiyiinta Sweden ayaa dhinaciisa sheegay in dib u heshiisiinta aay tahay arin loo baahan yahay, kulankaana uu yahay mid si gooni ah u taabanayo maadaama aay dhibayso colaadaha Somaliya, shirka Hiiraan waxaan u rajeynaynaa guul ayuu hadalkiisa ku soo gebo gebeeyey.

Xildhibaan hore Cukaashe oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey kulanka wuxuuna sheegay in kulankan uu yahyay mid hiil u ah kulanka B/weyne ka socda ee nabada loogu hiilinayo.

Sii kastaba ha ahaate kulanka ayaa kuso dhamaday sii wanaagsan iyaddo dhamaan wax garaadki kulankaasi kaso qeyb galay laga dhehan karay in aay sii weeyn uguu farax san yihiin shirka dib uu heshisiinta beellaaha daga gobalka hiiraan kaaso wajigisa koobaad sii habsami leh uga soocdda magalada beledweeyne ee xaruunta gobalka hiiraan,

 

kulan lagu tagerayay shirka dib uu heshisiinta ee beledweeyne oo lagu qabtay swedan (1) kulan lagu tagerayay shirka dib uu heshisiinta ee beledweeyne oo lagu qabtay swedan (2) kulan lagu tagerayay shirka dib uu heshisiinta ee beledweeyne oo lagu qabtay swedan (3) kulan lagu tagerayay shirka dib uu heshisiinta ee beledweeyne oo lagu qabtay swedan (4) kulan lagu tagerayay shirka dib uu heshisiinta ee beledweeyne oo lagu qabtay swedan (5) kulan lagu tagerayay shirka dib uu heshisiinta ee beledweeyne oo lagu qabtay swedan (6) KULANKA SHIRKA LAGU TAGERAAkulan lagu tagerayay shirka dib uu heshisiinta ee beledweeyne oo lagu qabtay swedan (7)

SAWIRADAN WAXAA HIIRAANWEYN SOGAARSIYAY JAALIYADA SWEDEN EE REER HIIRAAN

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY