Kulanka loga hadlayay dhismaha goroonka diyaradaha Ugaas khaliif Erapoorti ee Magalada Baladweyne ayaa Waxaa Ka qeyb Galay Ugaas Cabdi Raxmaan Ugaas Khaliif Iyo qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada
Dadkii Ka soqeyb Galay Kulan ayaa siweyn uga hadlay dhibatada haysato garoonka diyaradaha iy sida wax loga qabankaro waxana la isku raacay in labilaabo qeymeyn lagu sameynaayo qarasha ku baxaa dhismaha garoonka .
Maxamed Cabdulaahi buraale Gudoomiyaha Dhalin yarada Gobolka hiiraan oo kulanka kaqeyb galay yaa ku dheraaday kahadka dhismaha garoonka waxana u ku booriyay hadii dadka iskashadaan in ay wax qabsan karaan o ay ka maarmi karaan gacan kale ,
Qaar Kamid ah Hawenkii kulanka kaqeyb galay ayaa amanay talabada lagu dhisayo garoonka diyaradaha baladweyne waxana ay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay kaqeyb qataan dhismaha garoonka iyo Wax kasto oo lagu horumarina Gobolka hiiraan .
Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaliif oo kulanka ka hadlay ayaa shegay in lo bahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka garoonka fatahadaha magalada iyo Burburka wadooyinka baladweyne waxana uu shegay hadii la iskaashado in wax badan laga qaban karo dhamaan dhibatooyinka ka jiro Gobolka Hiiraan,
Ugaas Cabdi Raxmaan ayaa so jeediyay in laga wada qeyb qaato dhismaha garoonka Ugaas khaliif waxana baaq u jeediyay dhamaan cidkasto oo gacan ka geysaneyso garoonka in ay kaqeyb qataan
Gabagabadii Kulanka ayaa Lasameyay Gudi ka kooban 19 xubnood oo uu madax u yahay Ugaas Cabdi Raxmaan Ugaas Khaliif oo ka shaqeyn doono diyaarinta dhamaan howlaha lobahan yahay sida kulan Balaran oo ay ka so qeyb galan dhamaan Hayadaha AMISOM Maamulka Gobolka Hiiraan Ganacsato Iyo Qeybaha Bulshada Gobolka hiiraan
Shirarka Loga hadlaa dhismaha Garoonka Diyaradaha Ugas khaliif ayaa Mudooyinkii danbe waxaa ay ka socdeen Magaaloyinka muqdisho iyo Baladweyne waxana shirarkaas la isku racay in la dhiso garoonka diyaradaha Ugaas khaliif