Sunday, January 29, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeARIMAHA BULSHADA{DAAWO SAWIRADA} Kulan looga hadlayay ka hortagga xad gudubyada Gabdhaha oo lagu...

{DAAWO SAWIRADA} Kulan looga hadlayay ka hortagga xad gudubyada Gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka wsaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka ayaa kulan looga hadlayay ka hortagga xad gudubyada loo geysto gabdhaha la yeelatay shaqaalaha wasaaraddaasi.

Kulan ay  la yeelatay ku simaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuququul insaanka xukuumadda Soomaaliya marwo Muumino Sheekh Cumar shaqaalaha wasaaraddaasi  ayaa ah mid looga gogol xaarayay mawduuca loogu magac daray ka hortaga xad gudubka gabdhaha oo ay wasaaraddu bilaawday si loo hakiyo dhibaatooyinka loo geysto haweenka.

Muumino Sheekh Cumar wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuququl insaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in waasaaraddu ay waddo barnaamijyo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya aya mudooyinkan waday dadaalo lagu horumarinayo haweenka iyo carruurta,  iyadoo wasaaraddu soo bandhigtay baraamijka ka hortagga xadgudubka gabdhaha .

.IMG_7310IMG_7323IMG_7325IMG_7343IMG_7348IMG_7350IMG_7352IMG_7356

MUQAALADA

ENGILSH NEWS