Dalka Hindiya ayaa waxaa ka jira kuleyl daran kaasi oo sababay in dad ka badan 1300 oo ruux ay u dhintaan kulaylkaas.
Toddobaadkan ayaa lix carruur ah oo dooneysay in kuleylka jira dartii ay ugu dabaashaan meel biyo xireen ah ayaa lixdoodiiba ay dhinteen waayo ma jirin mid kamid ah carruurtaa oo yiqiin dabaal.
Magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Hindiya ayaa dadka loogu baaqay inaysan ka bixin guryahooda oo aysan shaqo tegin maadaama kuleyl daran uu jiro. Hase yeeshee dadka ayaa diiday inay guryaha ku ekaadaan maadaama aysan heli Karin wax ay cunaan haddii aysan shaqo tegin.
Maxamed Cabdi Ceynte
Radio Hiranweyn Hindiya