KHAMIIS 30 March 2023 {HMC} Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaallada hubka nukliyeerka oo yaryar, kuwaasoo ay sheegtay in lagu rakibi karo gantaallada riddada dhow.
Waqooyiga ayaa in muddo ah sheegan jirtay inay heysato hubka nukliyeerka oo aad casri u ah, kaasoo awooda inuu beegsado Kuuriyada Koofureed.
Balse sawirrada maanta lagu daabacay wargeyska dowladda ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee ay bixiso caddeymo.
Si kastaba, suurtogal ma aha in la xaqiijiyo inay sax yihiin iyo in kale. Ilaa ay Kuuriyada Waqooyi tijaabiso mid ka mid ah hubkan, waan iska qiyaaseynaa uun.
Pyongyang ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku howlaneyd tijaabinta gantaallada waxa ay ugu yeertay hubka nukliyeerka oo awood leh, iyadoo sidoo kale ka dhigeysay sida inay weerarro nukliyeer ku qaadday Seoul.
Waxaa xaqiiqo ah inay adag tahay in maalmahan lala socdo tijabaooyinka hubka ee Kuuriyada Waqooyi. Tijaabooyinkan sida qarsoodiga ah loo sameeyo beryahan sidii hore looma daneeyo, balse haddii aan dhammaantood eegno waxaa jira waxyaabo badan oo laga baran karo.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay ciqaabeyso Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed iyadoo ka aarsaneysa dhoollatusyadii ugu weynaa ee militariga ee muddo sanado ah ay sameeyaan. Xulafadan ayaa tijaabinayay sidii ay uga adkaan lahaayeen Waqooyiga haddii ay weerar soo qaaddo. Tani maaha tijaabo u uku farxayo hoggaamiyaheeda Kim Jong Un.
Tan keliya maaha cabasho lagu yaqaannay Kuuriyada Waqooyi. Sanadihii la soo dhaafay waxay dhoollatusyadaas oo kale uga falcelin jirtay rididda gantaallo isugu jira kuwa riddada dhow, dhexe iyo dheer.
Markan, labadii toddobaad ee la soo dhaafay, Pyongyang waxay tijaabisay hubkeeda isaga gudba qaaradaha ee ugu culus, kaasoo gaari kara meel walba oo ka mid ah dhulweynaha Mareykanka.
Waxay badda hoosteeda ka gantay gantaallo. Milatarigeeda ayaa tijaabiyay weerar nukliyeer oo lagu qaadi karo Kuuriyada Koofureed.
Kim Jong Un ayaana daaha ka qaaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo biyaha hoosteeda marta, taasoo uu sheegay inay hubka nukliyeerka ka gani karto badda hoosteeda si ay u sameyso wax u ek duufaanta tsunami ayna u burburiso maraakiibta dagaal ee cadowga.
Waxaa intaas dheer, waxay Waqooyigu soo bandhigtay madaxyada nukliyeerka oo ay sheegtay in lagu rakibi karo hubkan.
Tani waa tijaabooyin xiriir ah oo dhibaato sababi kara.
Ellen Kim, oo ah falanqeeye ka tirsan Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah, ayaa arrintan ku qeexday “in Kuuriyada Waqooyi ay u dhiganto sida bandhig dharka faashiyonka ah”.
Falanqeeyeyaasha oo ay Ellen ku jirto, ayaa ka walaacsan kala duwanaashaha hubkan la soo bandhigay markan. Pyongyang ayaa daaha ka rogtay hub badan oo cusub oo kala nooc ah kaasoo laga gani karo badda iyo dhulka laguna beegsan karo Mareykanka, Kuuriyada Koofureed iyo Japan.
“Hore, ma aynaan ogeyn inay awoodaan inay badda hoosteeda ka soo duqeyn karaan hubka maraakiibta, amaba dhulka hoostiisa. Hubkeeda wuxuu noqonayaa mid ay adag tahay in lala socdo,” ayay tiri Ms Kim.

Tani waxay kordhineysaa khatarta nukliyeer ee ay leedahay Kuuriyada Waqooyi.
Tusaale usoo qaado hubka markabka eel aga gani karo badda hoosteeda. Gnataalladan waa kuwa uu walaaca ugu badan ka qabo Yang Uk, oo ah khabiir dhanka hubka ah oo ka tirsan Machadka Asan oo ku yaalla Seoul. Isagoo sharraxaya, ganidda gantaalkan ee biyaha hoostooda laga ganayo waxay adkeyneysaa in la sii ogaado kahor tijaabada. Kaddib tijaabada, gantaallada markabka ayaa si hoose u socda, waxaana la ogaan karaa marka ay jawi dhexe ku socdaan, iyagoo markaa ka baxsanaya gantaallada difaaca.
Kim Jong Un ayaa mar walba ka baqdin qabay in Mareykanku uu marka hore weerari doono dalkiisa, uuna xaaqi doono hubkiisa kahor inta uusanba fursad u helin inuu isticmaalo. Farriinta uu u muuqdo inuu uga dan leeyahay tijaabadan gantaalladan xiriirka ah, ayaa ah in Waqooyigu ay haatan awood u leedahay inay iska caabbiso, amaba ay xitaa marka hore iyada wax weerarto. Way adag tahay in la burburiyo hubka ku qafilan dhulka hoostiisa ama biyaha hoostooda.
Haddii si kale loo dhigo wuxuu leeyahay “haku fekerina inaad na weerartaan”.
Si kastaba, waa inaan feejignaannaa. Kim waxaa lagu yaqaan ka badbadinta awoodaha milatarigiisa.
Su’aasha maskaxda ka guuxeysa mar walba ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay dhab ahaantii heysato madaxyo nukliyeer oo lagu rakibi karo hubkan. Inta badan hubka dhowana la soo andhigay wuxuu keliya qaadi karaa madaxyo yaryar oo khafiif ah. Ilaa iyo hadda, ma arkin wxa muujinaya in Pyongyang ay u suurto gashay inay horumariso hubkaas.
Maanta, waxay soo bandhigtay caddeyntii ugu horreysay. Sawirro lagu daabacay wargeyska dowladda ayaa muujinaya Kim Jong Un oo korjoogteynaya waxa loogu yeeray madaxyada nukliyeerka oo yaryar oo taxan.
Ma jirto qaab lagu xaqiijiyo inay kuwan yihiin waxa ay sheeganayaan. Tani waa sababta bulshada sirdoonku ay muddo dheer uga aamusnaayeen, ayna u sugayeen tijaabada nukliyeerka la sheegay.
Isla marka ay Kuuriyada Waqooyi awooddo inay sameyso gantaallo dagaal oo tiro badan, waa waqtiga ay ay dhab noqoneyso khatarteeda, waxayna hubka nukliyeerka ku weerari kartaa Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

Iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay diideen in la ciqaabo Kuuriyada Waqooyi taasn aku muujiyeen shirka Golaha Ammaanka ee QM, way sii wadi kartaa horumarinta hubkeeda iyadoo aan wax cawaaqib xumo ah ka baqeynin. Maxay hadda u joojineysaa? Inta uu hubkeedu fiican yahay, waa inta ay xooggan tahay gacanteedu, welina wax kalaa u sii dhiman.
Marka laga reebo hubkii ugu dambeeyay ee ay soo bandhigtay, weli waxay caddeyn kartaa in hubkeeda nukliyeerka ee caadiga ah uu isaga gudbi karo qaaradaha. Haatan, Waqooyigu waxay tijaabisaa gantaallada riddada dheer iyadoo hawada sare u ganta. Waxay sidoo kale dooneysaa inay sameyso kuwo casri ah, oo aan u baahneyn in shidaal lagu shubo kahor intaan la ganin, waxaa sidoo kale la gani karaa iyadoo diginin yar uun laga bixiyay.
Yang Uk wuxuu rumeysan yahay in Kim Jong Un ay sidoo kale hageyso xaaladda adag ee ka taagan dalkiisa. Dhaqaalaha oo sii xumaanaya, iyo dadkiisa oo gaajeysan, horumarinta barnaamijkiisa hubka nukliyeerka waa “waxa keliya ee u haray ee uu isku mashquulin karo.”Ayuu yiri Yang.
Kuuriyada Waqooyi waxay sidaa darteed hiigsaneysaa soo saaridda hub kala nooc ah oo aad wax u gumaada.
Ellen Kim waxay qabtaa, hal wax keliya ayaa cad: “In tijaabooyin badan ay soo socdaan.”
Xigasho BBC