fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda Baraawe

{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda Baraawe

isniin May-29/2023-{HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Laftagareen iyo masuuliyiinta la socotay ayaa si diiran waxaa garoonka diyaaradaha magaalaa Baraawe ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la filayaa in kulamo kula qaato magaalada Baraawe masuuliyiinta magaaladaasi ku sugan, saraakiisha ciidamada iyo sidoo kale qeybaha bulshada ku dhaqan Baraawe.

Magaalada Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed,hasa ahaatee magaaladan ayaa ah mid uusan ku shaqeyn maamulka Koonfur Galbeed oo caasimad KMG ah ka dhigtay magaalada Baydhabo oo hadda maamulka ku shaqeeyo.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO