Talaado 28 March 2023 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is afgarad ah oo la xariira dib u qaabeynta ilaha Dhaqaalaha Maalgashiga iyo Horumarrinta Magaalada Muqdisho.
Kulankan lagu saxiiyay heshiiskan is afgaradka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubno ka tirsan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.