Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Maamulka gobolka Sh/dhexe oo soo bandhigay waxqabadka muddo sanad ah
Array

{DAAWO SAWIRADA} Maamulka gobolka Sh/dhexe oo soo bandhigay waxqabadka muddo sanad ah

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa ballanqaaday in laga hirgelin doono gobolka Sh/dhexe mashaariic ay ka mid yihiin qodista 40 ceel gaar ahaan deegaanada ay ka jirto biyo la,aanta.

Cali Cabdullaahi Xuseen guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe oo ka hadlayay xalay xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka muddo sanad ah ee maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in maamulka gobolka uu qorsheynayo in mashaariic kala duwan laga hirgeliyo gobolka.

Xaflad lagu qabtay garoonka kubbada kolayga degmada Jowhar ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Sh/dhexe,maamulada degmooyinka,saraakiil ciidamada ammaanka iyo boqolaal dadweyne ah ayaa lagu daawaday filim ku saabsanaa waxqabadka maamulka mudada halka sano ah ee uu jiray.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaan Qaasim Cali Nuur iyo danjirihii hore ee dalka Soomaaliya u fadhiyay wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Waxqabadka la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa hirgelinta mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay degmooyinka Jowhar,Balcad, Warshiiq iyo Cadale.

Qudbad uu ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlawe Xuseen xafladan ayaa sheegay in degmooyinka ay weli haystaan ururka Alshabaab dhowaan laga xoreyn doono isagoo ballanqaaday in sanadkan kiisa kale ay xaflad ku dhigan doono degmada Ruunnirgood oo ka mid ah degmooyinka ay haatan ka taliyaan ururka Alshabaab.

“Waxaan hirgelin doonaa dhowaan mashaariic isugu jira kuwo caafimaad,waxbarasho iyo beero maadaama gobolka uu yahay mid ammaan ah.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe.

Munaasabadan ayaa waxaa ku soo bandhigay suugaan kala gedisan kooxaha fanka oo uu hormuud ka ahaa Alfanaan Cabdow Carram.

xaflad  (1)xaflad  (2)xaflad  (3)xaflad  (4)xaflad  (5)xaflad  (6)xaflad  (7)xaflad  (8)xaflad  (9)xaflad  (10)xaflad  (11)

 

Cabdi Fatax Nuur Saney {Socdal}

Radio Hiranweyn Jowhar

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY