Maamulka KMG ee Jubbaland ayaa lasoo dagay gaadiid dagaal oo casri ah, kaa oo ay ugu deeqday dowladda Imaaraadka Carabta.
Madaxweeynaha Mamulka Jubbaland Axmed max’ed Islaam (Axmed madoobe) iyo kuxigeenka Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa booqday dekedda Kismaayo halkaasoo lagu dajinayay gaadiidka ay ku deeqday dowladda Imaaraadka.
Axmed maxamed islaam madaxweynaha Juba oo warbaahinta kula hadlay Dekada magaalada kismaayo ayaa shegay in uu kaga mahad celinayo dowlada Imaaradka carbta gaadiidka dagaal ay ku deqday Maamulka.