{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarunta Taliska Booliska Fadaraalka itoobiya.

0
45

Khamiis September 29, 2022 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo wali ku sugan caasimadda Addis Ababa ayaa booqday xarunta taliska ee booliska fadaraalka ee Dalka itoobiya.

Waxaa Madaxweynaha xarunta si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta Booliiska Fadaraalka Itoobiya.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa indho’indheeyay qalabka casriga ee xarunta booliiska Fadaraalka iyo isbadalka lagu sameeyay sanooyinkii ugu dambeeyay.

 

Madaxweynaha ayaa codsaday in dhallinyarada Soomaaliyeed loogu tababaro jaamacada Booliiska, waxaana codsiga Madaxweynaha aqblay Taliyaha Booliiska Fadaraalka komishineer General Damalash Gebremikael.

 

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayay hogaamin sare oo dalka Itoobiya ah oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida  Mustafe Muxumed iyo wasiirka Maaliyada Dalka itoobiya  Axmed Shide.