Axad 18 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Maamulka waqooyi bari Soomaaliya Cabduqaadir Ow Cali ayaa maanta Magaalada Laascaano ka soo sagootiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra iisulwasaaraha Dalka
Madaxweyne Firdhiye ayaa qoraalkan ku daabacay Bartiisa Facebook.
Kaddib saddex maalmood oo ay safar taariikhiya ku yimaadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisal Wasaaraha XJFS, waxaan galabta ka sagootinay Garoonka diyaaradda caasimadda Laascaanood.
Sharaf weyn ayay noo tahay in Laascaanood oo haatan ah magaalada midnimada ummadda Soomaaliyeed ay todobaadkan martigelisay madax, masuuliyiin, Isimo, dhalinyaro, fanaaniin, abwaano, aqoonyahano iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dhammaan dhulka Soomaaliyeed.
Ma jirin hal dhacdo oo amni darro oo lasoo wariyey— wax kasta waxay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, Eebbe mahaddii.
Waana marag ma doon in Amniga Laascaanood iyo amniga Dawladda Waqooyi Bari yahay kan ugu fiican Jamhuuriyadda.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa cid kasta oo na soo sharaftay, nagalana soo qaybgashay munaasibaddii shalay, mahad badan ha idinka gaadho.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa shacabka caasimadda iyo ciidamada amniga Waqooyi Bari oo si xilkasnimo leh u gutay waajibaadkooda, suurana geliyey in si qurxoon oo nabdoon loogu tamashleeyo Laascaanood.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaayaa in Waqooyi Bari u taagantahay, Soomaalinimo iyo midnimo. Cid kasta oo Soomaaliyeed na ay Laascaanood ku dareemi doonto— lahaansho.







