Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.
Madax katirsan Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa siweyn ugu soo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dubai, waxaana ay u sii gudbiyeen halka ay ugu talagaleen inay dajiyaan.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu intaas kadib kulamo kala duwan la qaatay Safiirka Dawladda Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya iyo masuuliyiin kale , waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland.
Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha oo muddo dhowr maalmood ah ku sugnaan doona dalkaasi , ayaa waxaa ay sidoo kale kulamo kale la qaadan doonaan madaxda ugu saraysa dalkaasi, kuwaasi oo wadaxaajoodyo kala yeelan doonaan xaalada guud wadamada ku bahooban Ururuka Jaamacada Carabta iyo sidoo kale xaalada Soomaaliya oo hada gashay marxalad cusub.