Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Gaas oo siweyn Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Gaas oo siweyn Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug Puntland, kadib markii uu dib uga soo laabtay safar shaqo oo maalmo qaatay islamarkaana uu ku tagey magaalada Muqdisho ee xarunta Gobalka Banaadir.

Wasiiro, xildhibaano, maamulka Gobalka mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, waxgarad, haween , dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan oo buux dhaafshay garoonka ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa si maqaamsare leh ugu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ee Dawladda Puntland.

Dhalinyaro si iskood ah isu soo diyaariyey islamarkaana ku labisanaa dharka ay ku dhigtaan iskuulada, calanka Puntland iyo haween iyana ku labisanaa dharka hiddaha iyo dhaqanka ayaa madaxweynuhu si farxadi ku dheehan tahay dhammaantood u salaamay , waxaana wajiyadoooda laga dheehanayey farxad balaaran.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynaha loo soo gudbiyey hoygiisa magaalada Gaalkacyo , waxaana uu halkaasi kula hadlay warbaahinta qeybaheeda kala duwan isagoona shacabka iyo madaxdii soo dhaweysay uga mahadceliyey soo dhaweynta aan kala harka lahayn ee ay u sameeyeen Madaxweynahooda.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho uu uga qeyb-galay Madasha wadatashiga ee doorashada 2016, waxaana uu sheegay in Puntland shirka ku soo bandhigtay aragtideeda ku aaadan doorashada 2016-ka.

IMG_1337IMG_1340IMG_1341IMG_1343IMG_1345IMG_1349IMG_1355IMG_1360IMG_1362IMG_1364IMG_1365IMG_1366IMG_1370IMG_1372IMG_1376IMG_1383IMG_1386IMG_1390IMG_1392IMG_1396IMG_1397IMG_1399IMG_1402IMG_1406IMG_1412IMG_1420IMG_1432IMG_1443IMG_1444IMG_1445IMG_1447IMG_1448IMG_1453IMG_1455IMG_1467IMG_1469IMG_1470IMG_1477IMG_1481IMG_1483IMG_1489IMG_1500IMG_1519IMG_1521IMG_1522IMG_1525IMG_1529IMG_1531IMG_1539IMG_1541IMG_1543IMG_1545IMG_1548IMG_1550IMG_1551IMG_1552IMG_1556IMG_1593IMG_1599

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...