Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Umadda oo uu u kuur galayay sida ay u socoto waxbarashada jaamacada iyo aradad dhigata oo uu madaxweynuhu mudanaan gaar ah uu siiyo horumarinta Waxbarashada.
Madaxweynaha waxa wehliyay xubno ka tirsan Dowladda sida Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumada Soomaaliya Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Prof Maxamad Axmed Jimcaale, iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu madaxweynuhu aad ugu riyaaqay sida ay u socoto howsha Jaamacadda Umadda oo dib loo furay goor sii horeysay.
Madaxweynaha Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu booqday qeybaha kale duwan ee jaamacada ay ka koobantahay, isagoo dhageystay macalimiinta sida casharada ay u bixinayeen, waxaana uu ku dhiira galiyay macalimiinta in ay kordhiyaan dadaalkooda.
Madaxweynaha ayaa waxa uu warbixin ka dhageystay ardayda jaamacada dhigata oo uu ka wareystay waxbarashadooda isagoo ku dhiira galiyay in ay ku dadaalaan waxbarashada si heer ay uga gaaraan, kuwaasi oo u riyaaqay talada Madaxweynahooda.
Ugu dambeyn madaxweynaha waxaa uu warbixin uu ka dhageystay Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Maxamad Axmed Jimcaale oo ku saabsan shaqada Jaamacada,marxaladooyinkii ay soo martay, iyo qorshayaasha jaamacada ee xiligaani.