{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Zuma oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Somalia ee South Africa

0

Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa Jocob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo ka gudoomay Danjiraha ay Dowladda Soomaaliya u soo magacaawday Dalka Koonfur Afrika Danjire Jamal Maxamed Barrow.

Madaxweyne Zuma ayaa aqalka madaxtooyada ee Magaalada Pretoria waxa uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo kaga gudoomay ilaa shan iyo toban Safiir, waxaana ka mid ahaa,Safiirada Dalalka Canada,Malesia,Midowga Yurub,Panama,Zambia iyo Falastiin.

Danjire Jamal Maxamed Barrow oo si weyn ugu dhexmuuqday Danjirayaasha kale ayaa markii uu Waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo u gudbinayay Madaxweyne Jacob Zuma ayaa waxa uu sidoo kale u gudbiyay dhambaal inuu ka sido Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

“Waxaan salaam iyo dhambaal kaaga wadaa Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,waxaan Koonfur Afrika garab taagnenyn xilliyadii xuriyad doonkii ee 1970 yadii illaa 1980 sideedameeyadii ,sidaad lasocoto Soomaaliya hada way kasoo kabanayasaa dhibaatadii gaartay iyadoo garab ka heshay midowga Afrika,waxayna u baahantahay in la garab qabto,waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kuusoo gudbiyo Aqoonsigayga safiirnimo Mudane Madaxweyne” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Madaxweyne Jocob Zuma ayaa dhankiisa sheegay in uu aad u ugu faraxsanahay qaabilaadda Safiirada cusub isagoo sheegay in Dowladiisa soo dhaweynayso Danjirayaasha ayna la shaqeyn doonto.

Sidoo kale qudbad uu jeediyay Madaxweyna Zuma ayaa waxa uu ka hadlay arimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka bay”ada qulqulka qoxootiga, ,midnimada Afrika iyo ciidama ay Afrika yeelato kuwaasoo loogu talagalay inay ka hortagaan Wadamada dagaalada ka dhaca ee Qaaradda.

“Kusoo dhawaada South Africa mudanayaal iyo marwooyin waan wada shaqeyn doonaa iyadoo la tixgalinaayo heshiisyada iyo wadashaqeynta Wadamada aad matashaan ee xushmadda iyo wada shaqeynta leh” Ayuu yiri Mr Zuma.

Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa ka mid ahaa Danjirayaal ay Dowladda u magaacawday Caalamka waana Danjirihii labaad,ee Koonfur Afrika lasoo magaacabo,horaantii sanadii 2013 dii ayay ahayd markii uu Madaxweyne Zuma waraaqihiisa aqoonsi ee safiirnimo ka gudoomay Allah u naxriistee Danjirihii hore Sayad Shariif waxaana uu geeriyooday afar bilood kadib, Jamal Barrow loogu fadhiyaa inuu sii laba jibaaro xiriirka labada Dal iyo waxqabashada dhibaatooyinka Soomaalida ganacsatada ah.





 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cumar Kiyow

Radio Hiranweyn
Southa Africa

SHARE