Saraakiil oo uu Hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa gaaray deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxaa booqashadaasi ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia waxa ayna halkaasi ku qaabileen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Masuuliyiintaasi ayaa dadka deegaanka kala hadlay sida ay ula shaqeyn lahaayen Ciidamada Militeriga ee Dowlada iyo inay iska dhexqabtaan dadka qalqal galinaaya amaanka deegaanka.
Sidoo kale waxa ay qaabileen Saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa maamulka oo ay kala hadleen xoojinta amaanka.
Ula jeedada ugu weyn ee socdaalka ayaa ahaa inay waxbadan kasoo ogaadan xaalada amni ee deegaankaasi.