Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee shanta gobol iyo danbiyada culus ayaa shalay la horkeenay 78-askari oo 16-kamid ah lala xiriinayey Ururka Al-Shabaab.
Waxa uu xusay in uusan shaqeyn xafiiska Xeer ilaalinta guud maadaama dadkan iyagu ay kasoo codsadaan maxkamada si danbigooda loogu qaado.
Sidoo kale waxa uu soo qaatay in ay jiraan qaar dadka ay soo xirteen ilaaway muddo ka dib markii la weydiiyana ilowsho ka muujinaya ,isagoona sheegay in uu fasaxay qaarkood.
Guddoomiye Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku goodiyey in haddii aysan shaqooda qabsan Xeer ilaalinta guud iyo Xafiiska Xuquuqul aadanaha Puntland iney fasaxayaan dadka aan lasoo eedeyn ee xabsiyada isaga jira.
– See more at: http://risaala.net/articles/28659/Dhageyso-Maxkamada-Ciidamada-Qalabka-Sida-ee-Puntland-oo-Sheegtay-inaan-La-aqbaleyn-Maxaabiis-Sharci-daro-ugu-Jirtaa-XabsiyadaSawiro#sthash.f1ksKMBP.dpuf