(DAAWO SAWIRADA ) Mid kamid ah Beelaha Dagto G/hiiraan Oo Dooratay Nabadoon Cusub

0
1854

Xafladaan oo aheyd mid lagu calema saarayay Nabadoon Cusub oo ay yelaneyso mid kamid ah Belaha dega Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabo maxamed saruur alla gumar ayaa waxa xafladii Calema saarka waxa kasoo qeyb galay Odayaal Waxgarad Nabadoono iyo Uaas Cabdi Raxmaan Ugaas khaliif oo kamid ah Dobabka Dhaqanka Soomaaliyed.

Ugu Horeyn waxa  Munaasabadaasi ka hadlay Qaar kamid ah dadki kasoo qeybgalay waxa ay soo dhaweyen Nabadoonka Cusub oo ay soo doratay beesha maxamed saruur alla gumar iyagoo kula dardaarmay inuu si nabad ku hogaamiyo bulashada u dooratay xilkan.

Sidoo kale madasha ay ka dhaceysay Xaflada Caleema saarka waxa ka hadlay Ugaas Cabdi Raxmaan ugaas khaliif Ugaas Rooble oo nabadoonka La calema saaray kula dardaarmay inu cadaalad ku hogaamiyo dadka soo dortay.

‘’Waxa laguu dortay maaha siyaasad ee waa dhaqan waxa lagaaga baahan yahay in si cadaalad ah ku hogaamiso dadka ku soo dortay oo u badan dad maata ah waxana lagaaga baahan yahay in dhamaan dadkaasi aadan u kala exan eek u dhaqdo si xaq ah’Sidaasi waxa yiri Ugaas cabdi raxmaan ugaas khaliif.

Gaba gabadii Xaflada waxa gobtaasi ka hadlay Nabadoonka  la calema saaray oo lagu magacaabo Nabadoon Xasan Dhoodi Shiraar Cawaale iasagoona shegay in si cadaalad uu ku hogaamin dona bulshada doratay.

‘’Bulshadii I doratay hadii aysan ila shaqeyn aniga kaligey waxba ma qaban karo waxana loo baahan yahay in si wada jir ah loo wada shaqeyo nabadoonada waxa leyahay ila shaqeya oo ha igu fiirsanina xilka ley dortay maxaa yelay howl adag ayaa I hortaalo’’ayuu yiri nabadoon Xasan dhoodi shiiraar Cawaale.

DSC02117 DSC02121 DSC02122 DSC02124 DSC02127 DSC02138 DSC02139 DSC02151 DSC02153 DSC02160 DSC02410 DSC02411 DSC02413 DSC02414 DSC02416 DSC02419 DSC02420 DSC02421 DSC02422 DSC02425 DSC02426 DSC02427

 

{Sawir Qaade By Cabdi Yare}

SHARE