Baska kooxda Fenerbahce ayaa waxaa xabado la dhacay kooxo hubeysan ka rib markii kooxda hogaamineysa horyaalka Turkiga ay 5-1 kaga badiyeen kooxda Rizespor.
Darawalka gaariga ayaa loo qaado cusbital laakiin ma jiraan ciyaartoy ku dhaawacantay weerarka, taasoo dhacday markii ay u safrayeen garoonka diyaaradaha Trabzon.
Ra’isal wasaaraha dalka Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in baaritaano lagu ogaanayo cidii ka danbeysay falkaan uu socdo.
Xiriirka kubada cagta Turkiga ayaa cambaareeyay weerarkaan, waxaana madaxa kooxda Mahmut Uslu uu sheegay in dhacdadaan ay aheyd mid aad u qaldan.
“Waxaan u nimid inaan isboorti ciyaarno, waxaan u nimid inaan kubad ciyaarno” ayuu yiri Ulsu.
Meeyarka Trabzon oo ku taala waqooyi bari Turkiga ayaa markii hore sheegay in baska uu u muuqday in dhagxaan lagu tuuryeeyay, laakiin warbixin labaad oo uu baahiyay ayaa lagu sheegay inay xabad aheyd.
“Xaalada ugu danbeysa ayaa u muuqata inay aheyd in qori lagu weeraray baska” ayuu meeyar Abdulcelil Oz sheegay. “Waa waqti hore, laakiin waxa ay u muuqataa xabad laga soo riday qoriga shiishka dheer.”
Taageerayaal badan oo Fenerbahce ah ayaa kooxdooda ku sugayay garoonka diyaaradaha Istanbul si ay dib u soo dhaweeyaan ciyaartoydooda.
Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa ah taageere Fenerbahce, waxaana lagu waramayaa inuu wacay dowlada hoose si uu u weydiiyo baaritaanka dhacdadaan.
Fenerbahce ayaa heysata horyaalka dalka, waxaana ay ku guuleysteen 19 jeer, iyadoo xiddigihii hore ee Premier League Dirk Kuyt, Emre iyo Raul Meireles ay u ciyaaraan.
Kooxda Istanbul ka dhisan ayaa hogaanka qabatay ka dib guushoodii shalayto, waxaana ay hal dhibic ka sareeyaan kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Galatasaray.