Mid kamaida beelaha dega gobolkha hiiraan oo manta nabadoon cusub oo hogaamiya ku caleema saaray magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan .
Munaasabada oo aheyd mid si aad ah loosoo agaasimay aayna kazoo qeyb galeen wax garad oday dhaqameed nabadoono iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaa lagu qabtay magalada beledweyne.
Wax garadkii iyo nabadoonadii ka hadlay munaasabada ayaa soo dhaweeyay caleema saarka nabadoonka cusub waxa ayna ugu baaqeen kuna dhiiri giliyeen in uu si daacah ah ugu shaqeeyo beesha dooray iyagoona dhamaan dadkiii munaasabadaasi ka hadlay nabadoonka u muujiyay kalsooni nabadoonka cusub ee manta lagu caleema saaray magalada beledweyne waxana alle uga baryeen in uu fududeeyo xilka culus ee loo doortay .
Ugu danbeyn waxaa xafladaasi soo xiray nabadoonka manta lacaleema saaray nabadoon yuusuf cali warsame oo beeshiisa aay u dooratay in uu hogaamiyo nabadoona u noqdo waxana uu tilmaamay in xil culus loo doortay isaguna uu aqbalay waxana uu ka codsaday in aay lashaqeeyaan nabadoonada reer hiiraan iyo dhamaan bulshada gobolka hiiraan waxana uu sheegay in cadaalacada ku shaqeyn doono dadkiisana uu ka rajeynayo in aay la shaqeyn doonaan.