Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinka Al-shabaab lagala wareegay sannadkii hore ayaa hadda u muuqata mid kasoo kabaneyso guud ahaan dhinacyada nolasha.
Goobaha ganacsiga, isku socodka dadka iyo gadiidka degmada ayaa bilaabay in ay xiliyada habeenkii shaqeeyaan, kaddib markii laga hergaliyay nalalka ku shaqeeya cad-ceedda oo si weyn ay u soo dhaweeyeen dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi.
Gudoomiyaha Dagmada Jalaqsi ee Gobolka hiiraan  maxamed Cabdule Fiidoow ayaa Radio Hiranweyn u shegay  in nalalka ay yihiin kuwa muhiim u ah  ganacsiga amaanka iyo bilicda magalada
Hir-galinta nalalka ku shaqeeya cad-ceedda ayaa muujineysa hormarka nabad-galyo oo ay sameyneyso Jalalaqsi oo la oran karo waa degmo udub dhaxaad u ah ganacsiga deegaanada ka durugsan wadda laamiga ah.
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee Somalia -AMISOM ayaa la wareegay dhawaan ammniga degmada oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidammo Burundi ah oo ka tirsan howlgalka AMISOM.
Cabdi wali xuseen TawakalÂ
Radio Hiranweyn MuqdishoÂ