Kooxo Hinduu Careesan ah ayaa duleedka Caasimada Dalka Hindiya waxa ay ku dileen nin Muslim ah ay ku eedeeyeen in uu cunay Hilibka lo’da oo dalkaasi ka mamnuuc ah ,maadama ay jiraan dad badan oo Caabuda Lo’da .
Mohammad Akhlaq oo 50-sano jir ahaa ayaa u dhintay garaacis ay u geesteen ku dhawaad boqol qof oo Hinduu ah, kuwaa oo ku garaacay ulo iyo dhagxaan ay wateen ,waxaana hada Isbitaalka lagu daweenayaa wiil uu dhalay Ninkan Muslimka ah oo dhaawac halis ah isna loo geestay.
Ninkan Muslimka ah ee la dilay ayaa lagu tuhmay in uu cunay Hilib lo’aad oo dalkaasi ka mamnuuc ah, waxa ayna Kooxda Dilka geesatay oo ah Hinduuga ay ninkan ku eedeeyeen in isagu cunay Neef lo’ ah oo la waayay.
Dhacdadan ayaa ka dhacday Deegaanka Bisara, oo qiyaastii 45 kilo mitir u jirta Magaalada New Delhi ee Caasimada Hindia, Ciidamada booliiska Hindiya ayaa xabsiga dhigay dhoor qof oo qeyb ka ahaa dilka loo geestay Ninkan Muslimka ah.
Ehelada Ninka sida xun loo dilay ayaa aad uga murgay falkaasi dhacay xili ay arkayeen, waxa ayna sheegeen in awoodi waayeen in dad ku dhaw boqol qof oo dhagxaan iyo ulo wato in ay ka celiyaan Mohammad Akhlaq xiligii la dilayay.