Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Qaabka Madaxweynihii hore ee Puntland loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe
Array

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka Madaxweynihii hore ee Puntland loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe, ka dib markii looga guuleystay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 8-dii bishii Janaayo ee sanadkii hore ka qabsoomtay Garoowe.

Boqolaal ka mid ah dadka reer Garoowe, ayaa isugu soo baxay wadooyinka soo gala Garoonka Garoowe, si ay kaga qayb qaataan soo dhawaynta Madaxweynihii hore ee Puntland.

C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Gobolka Nugaal, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Garoowe uu u yimid arrimo uun la xiriira qoyskiisa.

Sidoo kale waxa uu ka afeeftay inaanu Magaalada Garoowe ugu soo laaban arrimo ku saabsan siyaasadda, wuxuuna ku hakaday in socdaalkiisa uu ku qotomo booqasho ku saabsan qoyskiisa.

C/raxmaan Farooel waxa uu dadkii soo dhaweeyay iyo Maamulka Puntlandba uu kaga mahadceliyay, sida quruxda badan leh ee ay ugu soo dhaweeyen Magaalada Garoowe.







 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY