Xaflad si heer sare ah loo soo aagaasimay oo lagu caleema saarayay madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin faro badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke, Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Tedros adhanom Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo wakiilo ka socday Dowlada Kenya, Safiirada Turkiga iyo Imaaradka u fadhiya Soomaaliya.
Munaasabada ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaadayay fanaaniin Soomaaliyeed iyadoo halkaas mas’uuliyiintii ka hadashay ugu hambalyeysay madaxweyne Axmed Madoobe in markale loo caleemo saaro madaxtinimada maamulka Jubba.