fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Qasaarihii ka dhashay Duqeyntii maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

{DAAWO SAWIRADA} Qasaarihii ka dhashay Duqeyntii maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

Sabti 1-April 2023 {HMC} Mid kamid ah madaafiicda maanta ciidamada Somaliland ku ridayeen magaalada Lascaanood- ayaa sababey dhimashada Faadumo Yuusuf Max’ed (Cawl), dhaawaca Hooyadeed iyo 5 qof oo kale oo kamid ah bulshada magaalada.

Muuqaal baraha bulshada soo galay ayaa muujinaya marxuumada “Faadumo Yusuf” oo ka gabaneysa rasaas farabadan, balse wararka ayaa xaqiijinaya in madfac ku dhacay gurigooda ay ku geeriyootay.

Sarkaal u waramay Warbaahinta ayaa sheegey in ciidamada Somaliland ku guuldareysteen isku day weerar labo jiho ah oo ay ku qaadeen magaalada Laascaanood xalay xilligii Suxuurta iyo saaka.

 

dhinaca kale Duqeymaha ciidamada Somaliland ka gaysanayaan magaalada Laascaanood ayaa waxyeelo kasoo gaartay xarunta degmada. Gaadiidka Birta culus ee loogu adeegi jiray bulshada magaalada iyo xafiisyadii Dowlada Hoose ayaa u muuqda kuwa uu dhaawac gaaray.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

WAR DEG DEG AH :Ganacsade Goordhow lagu Dilay Magaalada Baladweyne

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Allaha unaxariistee waxaa Goordhow Magaalada Baladweyne lagu Dilay Ganacsadi Xasan Xaaji Daahir oo Kamid Ahaa Ganacastada Magaalada Baladweyne.Ganacsadaha la dilay ayaa Mudooyinkii dambo...